Muqdisho – Xubno ka tirsan barlamaanka ayaa warqad dacwad ah ka gudbiyey safiirka Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayagoo ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo siyaasada gobolada waqooyi galbeed oo bilihii u danbeeyey laga hirgaliyey maamulka SSC, uuna kasoo horjeedo rabitaanka dadkeeda.
Mudanayaasha soo saaray qoraalkan cabashada ah waxa ay tilmaameen in safiirku si gaar ah u bartilmaameedsanayo deegaanadooda, uuna taageerayo Somaliland, sidoo kale uu ixtiraami waayey diblumaasiyadda iyo xeerarka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Danjiruhu wuxuu si bareer ah u jebiyey u hoggaansanaanta heshiiska Vienna Qodobka 41-aad – oo odhanaya “Waxaa ku waajib ah qofka xasaanadda iyo mudnaanta helaya inuu ixtiraamo shuruucda dawladda soo dhoweysay, sidoo kale waxaa ku waajib ah in aysan faragelin arrimaha gobolkaas”. Iyadoo la tixraacayo heshiiska Vienna; Qodobka 41-aad, waa in la joojiyo jebinta dublamaasiyadeed ee Safiirka Ingiriiska Mr. Michael Nithavrianakis uu ku hayo gobollada SSC-Khaatumo,” ayay yirahaadeen xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda SSC.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen inuu xad-gudub sameeyay, uuna ixtiraami waayay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, maadaama SSC ay kamid tahay dowladda dhexe.
In dhowaanahaan ayaa waxaa taagnaa arrintan, kadib markii hoggaanka sare ee SSC uu eedeeyay dowladda Ingiriiska oo uu tilmaamay inay aaminsan tahay in aan wax maamul kale ah laga samayn karin xaduudkii ay iyadu horay u jeexday, xilligii gumeystaha.
