Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.
Diyaaradda ayaa diidey inay bixiso warbixin kusaabsan xamuulka ay waddo (cargo), hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qaadatey go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay hawada Soomaaliya ka celisey diyaarad leedahay Ethiopian Airlines oo Numberkeeda ahaa ET8372 oo u socotey Hargeysa, lana sheegey in ay wadey wufuud u socotey Hargeysa.