Mugadisho –Boyad shidaal oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo la qarxiyeyGaari kuwa shidaalka qaada ah oo ay leedahay shirkada Hormuud ayaa lagu qarxiyey xaafada Waxarcade ee gobolka Banaadir.
Waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkadda Hormuud mudo ka yar 48 saacadood gudahood. Laba maalin ka hor ayey ahayd markii qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay Hormuud oo ka dhacay isla degmada Hiliwaa ee gobolka Banadir uu sababay dhimashada shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda ku leedahay degmada Heliwaa, halka sidoo kale dhaawacyo halis ah ka ay soo gaareen hawl-wadeeno kale.
hormud-gas-transport-truck
Qaraxyada lagu beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo aad usoo batay waayadaan ayaa ilaa iminka inta la xaqiijiyey sababay dhimashada laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda, dhaawaca hawl-wadeeno kale iyo burbur xoogan oo hatiyadeed.
Shaqsiyaad diidey in magacyadooda la sheego ayaa wargeyska faafin.com u sheegey in qaraxyada iyo burburinta hantidda Hormuud ay ka danbeeyaan shaqsiyaad ka tirsan laamaha amniga sida Nabadsugida.