Garoowe (faafin) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saacadihii ugu dambeeyay dareemayo in uu culeyskii siyaasadeed ka yaraanayo maadaama ay musharaxiinta, ama wakiiladooda ay xiriir lasoo sameeynayaan ayagoo weydiisanaayo in ay xulufo noqdaan. Wararka Faafin.com ka helayso Garowe ayaa sheegaya in Musharaxiinta ay kala aamin baxeen, maadaama kuwa ka mid ah ay bilaabeen in ay xiriir hoos ah la sameeyaan Deni.
Faafin ayaa baaritaan ku sameysay wararka sheegayaya in Saciid Deni ay taageeradiisa ay kor u kacdey iyo musharaxiinta qaar ay taageeradooda hoos ugu dhacdey. Kooxda Damjadiid iyo Aaranjaan oo heshiis ku ahaa in mar labaad la dooran Deni, ayaa hada waxaa kala dhex galey shaki, maadaama qaar kamid ah ay xiriir la sameeyeen ololaha Deni. Sidoo kale musharaxiin Damjadiid oo xukunka Xasan Sheikh ayaa ka tanaasuley musharaxnimadooda. Wasiirkii hore arrimaha dibadda Abshir Cumar Huruuse oo ka mid ahaa kuwa Damjadiid lacagta soo siisey ayaa wali kamid ah musharaxiinta.
Sida la ogyahey, doorashada Puntland waxay ku saleysan tahey lacag iyo sida loo bixiyo, kooxaha ku tartamaayo xilka madaxweyne oo doonayo in ka tuuran xukunka Deni, ayaa dhaqaala badan ka helaayo meela badan. Sida wararka sheegayaan ayaa ah in musharaxiinta markoodii hore ay sameysteen xulufo maadaama ay ogyihiin Deni in uu kawada lacag badan yahey. Aaranjan iyo Damjadiid ayaa galey heshiis ku saleysan siyaasad iyo dhaqaale.

Damjadiidii hore iyo kuwa hada ka tirsaneyn xukuumada Xasan Sheikh ayaa kala watto musharaxiin, laakiin hoos ayey kawada socdaan. Damajadiida hada xukunka heysta ayaa watta dhowr musharaxiin oo ay ka mid yihiin Aaranjaan. Damjadiidkii hore oo banaanka xukunka Xasan Sheikh banaanka ka jooga, sheegtana ay ka mid yihiin N&N ayaa watta musharxiin ku xiran xukuumada Xasan Sheikh.
Sida aan waranka ku helayno ayaa sheegaya in tirada musharaxiinta ugu cad cad ay ku soo koobanayaan ilaa sham musharax oo kala ah: Axmed Cise Cawad, Asad Cusman Cabdullahi, Sacid Cabdullahi Deni, Abshir Cumar Huruuse, iyo Xasan Shire Abgaal. Kooxda Ololaha dib u doorashiida Saciid Deni ayaa ka shaqeynaya sidii ay shaki u kala gellin lahaayeen musharaaxiinta hada ugu cad cad oo badankooda wada socda kalana socda.
Faafin ayaa ogaatay musharax la yiraahdo Guuleed Saalax oo maalmihii danbe magaciisa soo baxay, ayaa la ogaadey in ay wataan kuwa sheegtey in N&N ka mid yihiin oo aan kasoo jeedin degaanada Puntland. Goobaha lagu karkariyo siyaasada ayaa laga soo sheegey in uusan rajo laheyn, uusana aheyn qof horey loosoo tijaabiyey. Xildhibaanada ayaaba iska diidey in ay la kulmaan musharaxaas. Laakiin waxaa suuqa ugu jira dilaalo lacago bixinaaya oo cod u raadinaya.

Sidoo kale, Saciid Deni ayaa u arka Guuleed qof uu isaga difaaci karo dagaalka kaga soo wajahan kooxda Aaraanjaan oo iyaga laftoodu ka fikiraya ciddii ay dhisi lahaayeen wareegga labaad haddii uu musharaxooda Xasan Shire Abgaal socon waayo.
Axmed Ciise Cawad oo uu taageero ka helaayo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa soo xoogsadey ololahiisa doorasho, maadaama uu dhaqaalo xoogan ka heley ganacsato reer Garoowe ah. Sidoo kale wuxuu taagero ka heystaa Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo 3 xildhibaan oo laga soo magacaabay Nugaal oo ay jifo hoose isla yihiin.
Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse iyo xulafadiisa Xisbiga Mideeye ayaa cabsi laga qabaa in uu qiilqiil galiyo Saciid Deni. Sidoo kale waxay aad isugu dhowyihiin Asad Cismaan Diyaano oo asagana ah musharax dadaalaayo oo doonayo in xilka dhaafiyo Saciid Deni.
Wararka ayaa sheegaya Asad Diyano in aad loo hadalhaayo saacadihii ugu danbeeyey, waxaana xoogsanaaya ololahiisa. Waxaa la sheegey in uu heysto xildhibaano daacad u ah oo gaaraya tira 15 ah, waxaana laga yaabaa in uu helo xidhibaano uu kaga gudbi karo wareega kowaad. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu dhaqaalo ka helaayo ganacsato ka soo jeeda Bari iyo Mogadishu.
Xasan Shire Abgaal oo horey u ahaa musharaxa Damjadiid oo lacag badan ka helay Xasan Sheikh si uu ula tartamo Deni. Abgaaloow ayaa horey lacag loogu siiyey sidii uu dagaal sokeeye oga ridi lahaa Puntland, kuma uusan guuleysan. Hada ayaa la sheegayaa in ololihiisa uu hoos u dhacay, maadaama la’ogaadey in uu u shaqqeynaayo Damjadiid, kana shaqeeyn doono burburinta Puntland. Dadka ku dhow Abgaaloow, ayaa hada aaminsan in rajadiisa hoos u dhacdey.
