Banaadir – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku ridday todobbo gabdhood (7) ah oo baraha bulshada laga yaqaano, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah, ka bacdi markii uu ku cadaatey danbigii lagu soo eedeeyey.
Dacwada lagu soo oogey gabdhahaas ayaa ahaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta dhaqamada anshax xumada ah. Gabdhahaas ayaa barahooda Tiktoka ayeey baahiyeen muuqaalo ay ku kicinayaan qabiilo, kuna aflagaadeenayaan dad shacab ah, sidoo kale waxay ku baaqeen dagaalo beeleed.
Dacwad dhameysatay heerarkeedii ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu ay ku weysey wax danbi ah, lana fasaxey.
Gabdhaha xukunka lagu riday oo ah kuwa caan ka ah baraha bulshada ayaa kala ah: Sihaam tahliil, Nashaad nalka, Sacdiyo galmudug, Iftin model, Anjal iyo Farxiyo Zoona.
Xukuumada ayaa bilihii ugu danbeeyey hirgalineysey sharciyo qoran oo aan horey loo fulin jirin. Sida kicininta shacabka iyo faafinta anshax xummida oo waayadaan danbe ku soo badanaayey baraha bulshada,
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday sanadkii hore in ay mamnuucdo isticmaalka barta TikTok. Mamnuuciddiisa ayaa waxaa ka dhalatay cabasho ka timid dhalinyarada kuwaas oo ku tiirsan dakhli ay ka helaan Tiktok.