Muqdisho – Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah ku wareejisay uruurinta qeyb ka mid ah canshuuraha u soo xarooda dowladda federaalka. Shirkadaas oo la ogaadey in leedahey xaaska iyo wiilka Madaxweynaha Xasan Sheikh
Heshiiskaas wasaarada iyo shirkdda ayaa saxiixey agaasimha guud ee daqliga wasaarada maaliyada, wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Cige ayaa wax ka og heshiiska, wuxuuna xubin ka yahey shirkadda oo uu ka qaadanaayo qybtiisa.
Heshiiskaan ayaa dhacey bishii lasoo dhaafey, shaqadana waxay si toos u bilaabeysaa toddobaadkaan, sida ay xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda u xaqiijiyeen Faafin News, waxayna ka shaqey doontaa canshuur uruurinta daaraha iyo wado-marista.
Shirkadaan ayaa qoratay ciidamo iyo shaqaale gaar ah, waxaana sidaas shaqadoodii ku waayey in ka badan 200 oo qof oo wasaaradda maaliyadda uga shaqey jiray uruurinta canshuuraha.
Shaqaalaha shaqadooda lagu wareejiyey shirkadaan waxay ka howlgeli jireen ugu yaraan 15 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana hadda kadib uruurinta canshuuraha daaraha iyo wado marista wasaaradda maaliyadda u uruuri doona ciidamada iyo shaqaalaha cusub oo ay qoratay.
Xogta la helay waxay xaqiijineysaa in 70% canshuurta soo xaroota ay shirkaddu ku shubi doonto akoonka wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la hari doonto, ayaa heshiiska ku qoran. Waxaa kaloo la ogaadey in wasiirka uu qaadan doono boqolkii 20.
Lacagta faa’iidada ah ee shirkadda u hareysa waxaa saami ku yeelanaya xubno siyaasiyiin ah oo dowladda ka tirsan, waxaana la is weydiinayaa sababta ay wasaaraddu ku dooratay inay ogolaato saami, iyadoo heleysa faa’iido 100% ah.
Sanadkii 2017-kii wasiirkii maaliyadda Beyle iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa joojiyey qorshe noocaan oo kale ahaa oo shirkado gaar ah loogu xiray uruurinta canshuuraha, waxaana xiligaas la go’aamiyey in shaqaalaha wasaaradda iyo ciidamada booliska Soomaaliyeed ay masuul ka yihiin uruurinta canshuuraha dowladda.
Go’aankaas lagu joojiyey qorshahaas ayaa kusoo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda, go’aankaas ayaa waxaa buriyey maanta Xasan Sheikh iyo qoyskiisa, waxaana howlgeli doonta shirkad saxiix ka heysata wasiirka maaliyadda iyo madaxweynha, iyadoo ay shaqadooda sidaas ku weyn doonaan in ka badan 200 oo shaqaale ah oo wasaaradda maaliyadda masuul uga ahaa uruurinta canshuuraha.
Intii uu Madaxweyne Xasan Sheikh xukunka la wareegey ayaa waxaa batey musuqa ay ku kacayaan madaxweynaha iyo qoskiisa, oo canshuuraha shacabka laga qaado qeyb ku yeesha. Qoyka Madaxweynaha ayaa la wareegey lacago ay dowladda toos u heli jirtey, sameyteyna shirkaddo ka madaxbanaan hay’adaha dowladda.