Mogadishu – RW. Xamse Cabdi Barre ayaa Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika (East African Community).
Warqada ka soo baxdey xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo lagu magacaabey Fatiir ayaa su’aala badan laga keeney maadaama uusan xilka uusan cadeeyn, taasna keentey in loo qaato xilalka tirada badan oo loo magacaabey saaxiibo u dhow Xasan Sheekh oo ilaa hada aan xafiis laheyn. Waxaa la isweydiinayaa ma agaasime guud oo kawada dhaxeeya wadamada xubinta ka ah bariga Afrika, mise waa mid gooni u ah Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday inay ku biirto Daladda Bulshada Bariga Afrika bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay.
Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Soomaaliya oo ah xubintii ugu dambeysay sidaasna ay ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.
Magacaabida Fariir ayaa ah mid Xasan Sheekh ka danbeeyo, maadaama uu dano badan ka leeyahey Urur goboleedkaan bariga Afrika.
