Xasan Sheikh iyo saaxibadiis oo boob ku haya dhulka danta guud

0
271

Muqdisho – Madaxweyne Xasan Sheikh iyo saaxibadiis ayaa boob ku haya dhulka danta guud, waxayna bilaabeen in hay’adaha dowladda ay u isticmaalaan barakacinta shacabka danta yar oo ku nool dhulka danta guud. Dhowladda ayaan qorsha u heyn isticmaalka dhulka danta guud, laakiin waxaa jira dulaalo la shaqeysta Xasan Sheikh iyo xaasaskiisa oo dhulka ka iibiya marka shacabka laga saaro.

Dhulal badan oo danta guud oo shacabka laga rarayey ayaa ku dhamaadey gacan ganacsato iyo mas’uuliyiin Xasan Sheikh saaxiib la ah. Hada ayaa la rabaa in lala wareego dhul ay leedahey taliska ciidanka booliska, waxayna shaaciyeen warqad ay ugu digiyaan dadka degan.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin kama dambeysa ah kasoo saaray dhul danguud ah oo Booliska iska lahaa, oo hadda ay degan yihiin dad shacab ah.

Dhulkaan oo loo yaqaano dhulkii dab-damiska iyo hoggaanka dhismaha Booliska ee degmada Wadajir ayaa ku yaalla kasoo horjeedka 6-biyaano, una dhaxeeya siliga Mareykanka iyo Isbitaalka Banaadir ee dhinaca midig ka saaran jidka nasteexo aada ee Isbitaal Madiino.

Dhulkaan waxaa degan dad masaakiin ah oo kasoo barakacey degaanadooda, dowladihii soo mareyna intii dagaalada sokeeye laga baxay, wax qorsha ah kama aysan fulin dhulalka danta guud. laakiin Xasan Sheikh oo horey u soo hogaamiyey dowldihii hore ayaa boob u geystey dhul badan oo danta guud oo shacabkii masaakiinta laga saarey.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa muddo laba bilood ah u qabtay dadka degan dhulkaasi inay uga guuraan, si xarumahaasi loogu qabto adeegyadii danta guud ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen.

“Waxaa la ogeysiinaya dhamaan dadka degan dhulkaasi inay uga guuraan muddo 2 billood ah si xarumahaasi loogu qabto adeegyadii danta guud ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen.”

Booliska ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo, maadaama xilligaan qataraha dabku galaafteen naf iyo maal badan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinku adkaynayaa in aad waqtiga ilaalisaan oo muddadaas ku banaysaan dhulkaas Booliska ee danta guud loogu baahday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciddii u hogaansami weysa wargelinta sare ku xusan marka waqtiga la gaaro la horgeyn doono sharciga, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.