Xildhibaanada Puntland oo doortey Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeen Ilyas Cusmaan

0
350

Siciid Cabdillaahi Deni oo mar kale loo doortey madaxweynaha Puntland 5ta sano eesoo socota.

Waxaa uu noqday madaxweynihii koowaad oo mar kale kursiga madaxweynimo ku soo laabta ama labo jeer oo isku xiga noqda madaxweynaha Puntland.

Doorashada ayaa lagu kala baxay wareegga saddexaad, waxaana wareeg kasta cod aqlabiyad ah ku hoggaaminayey Siciid Deni. Wareegii sadaxaad ayaa isku soo harey Saciid Deni iyo musharax Guuleed, tirada codadka ayuu Deni helay 45, halka Guuleed helay 17 cod.

Madax hore iyo kuwa hada ayaa hambalyo u direy guusha uu gaarey Saciid Deni.

Sidoo kale, Ilyaas Cismaan Xuseen Lugatoor ayaa loo doortay madaxweyne kuxigeenka Puntland 5ta sano ee soosocota.

Lugatoor, waxaa uu ahaa wasiirk duulis hawada iyo garoomada Puntland.

Inkastoo deegaannada SSC ay dhisteen maamulla cusub ee Khaatumo, haddana madaxweyne kuxigeenka cusub wuxuu ka soo jeedaa deegaannada SSC Khaatumo.

Siciid Cabdillaahi Deni & Ilyaas Cismaan Xuseen Lugatoor